|

(VIDEO) Dowladda federalka Ethiopia iyo dowlad degaanka Soomaalida oo shir culus ku yeeshay Jigjiga iyo go’aano culus oo kasoo baxay.

Jigjiga (Puntlandi) Saraakiisha ammaanka dowladda federalka Ethiopia ayaa kulan magaalada Jigjiga kula qaatay saraakiisha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, kulankaasi oo ahaa mid lagu xoojinayo nabad gelyada iyo wada noolaanshiyaha qowmiyadaha kala duwan ee Ethiopiya.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Xamdi Aadan Cabdi, ayaa sheegay inay tilaabo adag ka qaadayaan cid kasta oo isku dayda  inay qalqal galiso ammaanka iyo xasiloonida dowlad degaanka, waxaana uu intaas ku daray inay sameeyeen ciidamo isku dhaf oo u howlgalla xaqiijinta ammaanka degaanka.

Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay inay xaalada degaanka caadi kusoo laabatay islamarkaana ay dib ubilaabmeen adeegyadii arrimaha bulshada

Halkaan ka daawo.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login