|

Muhaajiriin Soomaali iyo Eritrean ah oo la’ cid qaabisha

141 ruux oo muhaajirin isugu jira Soomaali iyo Eritrean oo saaran markabka Aquarius oo taagan badda Meditereneanka ayaa la’ dal qaabila.

Dowlada Talyaaniga ayaa ugu baaqday dalka Britain in ay qaabilaan qaxootigan oo tiradoodu gaareyso 141 ruux oo 67 ka mid ah ay yihiin Soomaali iyo Eritrean maadaama markabka ay qaxootigan saaran yihiin uu wato calanka Gibraltar oo ka mid ah dhulweynaha Britain.

Hase yeeshee Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in haddii la eego dhinaca calanka markabka uu ku safrayo ay sax tahay balse waxa uu ku taliyay in la tixgeliyo xaalado kale oo ah sida loo soo badbaadiyay qaxootigan.

Afhayeen u hadashay Guddiga Midowga Yurub u qaabilsan qaxootiga Tove Ernst oo kula hadashay saxafiyiinta magaalada Burssels ayaa sheegtay in ay suurtogal tahay in ay tixgelin mudan tahay calanka markabka uu ku safrayo, Balse haweeneydan ayaa raacisay in ay la xiriireen dalal badan ayna wadaan dadaalo lagu xalinayo arrintan.

Puntlandi.com

Comments are closed