|

Shaki kuma jiro in Qaraxa maanta ee Gaalkacyo inuu ahaa mid Siyaasadeed oo Hayada Nabdsugida ee ( NISA) iyo sirdoonka Qatar soo abaabuleen


Gaalkacyo Puntland

Wararka horu dhaca ee ka soo baxaya baariitaanka ay wadaan hayadaha nabadgalyada ee Puntland ayaa inshaaraya in weerarkii isbahysiga Argagixisadu maanta ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ee Puntland uu ahaa mid u adeegaya ujeedooyin siyaasadeed oo salka ku haya khilaafka dawlada federaalka ah iyo dawlada Puntland ee xiisada dawladaha Khaliijka Carabta

Saraakiisha amaanka iyo waxgaradka Puntland ayaa isku raacsan in weerarkani uu yahay dulaan siyaasadeed iyo dhirbaaxo diblumaasiyeed oo loo geystay Shacbiga iyo Dawlada Puntland, taas oo abaabulkiisa ay si wadajir ah isga kaashadeen Hayada Nabadsugida ee(NISA),sirdoonka Dawlada Qatar iyo Kooxda dib u soo laba kacleysay ee Al-Ictisaam (Ex-Alitixaad).

Masuul sare oo ka tirsan Xukuumada Puntland ayaa warsidaha Puntlandi u sheegay in weerarkan siyaasadeysan ee isbaheysiga argagixisadu maanta ka fuluyeen magaalada Gaalkacyo anuu aheyn kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee Puntland lagu soo qaado.

Sarkaalka ayaa xusay in ay noqtay sune dabiici ah in mar walba oo khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galo dawlada Puntland iyo Dawlada Federaalka Somaaliyeed ay kooxaha isbaheysiga Argagixisadu ay kaga jawaabaan dagaal toos ah iyo silsilado qaraxyo ah oo ay ku bartimaameedsanaan shacbiga Puntland, siiba magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso oo noqday kuwo u nugul waxyeelada kooxada isbaheysiga Argagixisada.

Masuulka ayaa intaa ku daray in laga soo bilaabo qaraxii magaalada Baydhabo 17.bishii september 2006 loogu geystay Allaah ha u naxariistee Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed ilaa midka maanta si sahlan loogu shaabadeeyo in ay geeysteen Kooxda Al-Shabaab, lakiin xaqiiqadu ay tahay in dhamaan falalka argagixsada ee wadanka laga fuliyaa ay xiriir la leeyihiin khilaafadka siyaasadeed ee dalka markaa ka jira, isla markaan ay hagayaan, looguna adeegaayo quwado shisheeye.

Warsidaha Puntlandi oo in mudo si dhow ula socday,xuuraansina ku hayey ilaha iyo mu’asasaadka warbaahineed ee isbaheysiga argagixisada, ayaa mar hore ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta ololaha ah weerarada iyo dacaayadaha warbaahineed ee naceybka xambaarsan ee lagu hayo shacbiga reer Puntland, ee kooxaha isbaheysiga argagixasu ka wadaan baraha ay ku leeyihiin bulshada ( social media ).

Ololahan iyo xamladan warbaahineed ee ka dhanka ah shacbiga Puntland ayaa hore dhac u ahaa weeraro iyo dagaalo toos ah oo lagu qaado shacbiga Puntland, kuwaas oo laga wado baraha mucayinka ah ee ay leeyihiin kooxaha isbaheysiga argagixisada, sida baraha kooxda Alictisaam,warbaahinta dawlada Qatar, kuwa caadifada qabiil ku taageera Viila Muqdisho iyo sidoo kale baraha kooxaha colooshooda u shaqeystayaasha Somaaliyeed ku leeyihiin Facebook iyo aalada Twitter, kuwaas oo ay si toos ah u maalgaliyaan hogaanka sare ee dawlada Federaalka ah iyo sirdoonka dawlada Qatar.

Dhowr beri ka hor mid ka mid ah gacanyarayaasha Agaasimaha Madaxtooyada Villa Somalia Fahad Yaasin oo lagu magacaabo Xamse Maxamed, isla markaana ka hawl gala warbaahinta dawlada Qatar, kaas oo ku sugan magaalada Qatar ayaa baraha Bulshada ku soo bandhigay aflagaadooyin la soo faray oo ka dhan ah shacbiga Puntland iyo Musharaxa General Maxamed Siciid Xirsi Morgen.

.

Sidoo kale siyaasiga reer Kenya ee Farax Macalin Dawaara oo ah siyaasiga ugu caansan siyaasiyiinta Afkooda laysu kireysto ( Fadlan ku shubo ) hadda ku sugan magaalada Muqdisho, martina u ah dawlada Federaalka ah iyo Sirdoonka dawlada Qatar ee Muqdisho ayaa safka hore uga jira ololaha shaqsiga ah ee lagu bartimaamedsanyo hogaanka sare ee dawlada Puntland.

Qaraxan lagu dhawaacay, waxyeeladana loogu geystay nabadgalyada iyo deganaansha Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Dawlada Puntland, laguna dilay masuuliyiin iyo Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka ayaa waxaan ka aamuusa oo aan weli wax war ah ka soo saarin Xukuumada Federaalka ah ee Villa Somalia iyo Taliska Ciidanka Somalia.

Sidoo kale waxaan weli ka hadlin weererkaas lagu xasuuqay shacbiga magaalada Gaalkacyo koox diineedka Al-Ictisaam ee ku mashquulsan Fanaaniinta ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho iyo sidoo kale wakiilada kooxda Ictisaam ee ku sugan Puntland, kuwaas oo u adeega
Fikirka kooxaha siyaasadeed ee Xamar, isla markaana lacag tiro badan u uruuriya, isla markaana ula sii orda qarxayda ka dhaca Muqdisho.

Ugu dambeyntii waxaanu ugu baaqeynaa shacbiga Puntland in ay midnimadooda iyo wadajirkooda adkeeyaan, si dhowna dal iyo dibadba ha jogaane dhug u yeeshaan nacabka dulaanka ku ah nolasha iyo jiritaankooda.

Halkan ka akhri faalo machadka mareykanka ee Atlantic Council uu ka qoray isbaheysiga argigixisada ee Alshabaab, Alictisaam,Dawlada Qatar iyo Villa Somalia
http://www.atlanticcouncil.org/blogs/africasource/somalia-s-continuing-crisis-worsens-with-uae-dispute

Comments are closed