|

Barlamaanka Puntland oo ka doodaya qaabka ay ku imaanayaan xildhibaanada 2019.

Barlamaaanka dowladda Puntland ee waqtigoodu gabagabo yahay, ayaa ka doodaya qaabka ay ku imaanayaan xildhibaanada cusub ee January 2019ka, kadib markii guddiga doorashada Puntland uu maalintii shalay shaaciyay inaan laga gaarin doorashada xisbiyada badan.

Inkastoo doorashadu la isku waafaqay inay ku dhacdo nidaamkii hore ee 66-da xildhibaan ay soo dooran jireen madaxweynaha iyo ku xigeenka, ayaa hadana  barlamaanka waxaa horyaala dood la xiriirta in isbedel lagu sameeyo habka ay xildhibaanada doorashadaan ku imaandoonaan.

Nidaamka ugu dhow ee barlamaanku hadda ka doodaya ayaa ah in la sameyn karo in xildhibaanadu ku yimaadaan doorashooyin dad ban, taasoo lamid ah qaabkii lagusoo dhisay dowladda federalka Soomaaliya, inkastoo qaabkaas uu ka dhashay muran xoogan.

Maalmahaan soo socda ayaa barlamaanka Puntland laga filayaa inuu shaaciyo habka xildhibaanadu ku imaandoonaan, taasoo qeyb ka ah diyaarinta lifaaqa doorashada 2019.

Puntlandi.com

 

 

Comments are closed