|

Jubbaland oo musaafurinaysa saraakiil lagasoo magacaabay Xamar.

Kismaayo (Puntlandi) Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho ku celinaya Saraakiil ka tirsan NISA oo shalay gaaray magaalada Kismaayo.

Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ka qabteen Cali Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim oo kala ah Taliye iyo ku-xigeenkiisa oo lagasoo magacaabay Xamar.

Saraakiishan ayaa xalay waxa ay ku hoydeen xabsi kuyaala garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaasi oo maanta laga soo saarayo diyaarad gayneysa magaalada Muqdisho.

Jubbaland ayaa sababta ay u xirtay Labadan Taliye waxa ay ku sheegtay inaan laga talo gelin magacaabidooda iyo inay imaanayaan magaalada Kismaayo, waxayna tilmaamtay in dowladda ay ka baxday heshiis ay la gashay maamul goboleedyada.

Sidan oo kale maamulka Jubbaland 13-kii July ee sanadkan waxay garoonka Kismaayo ka celiyeen diyaarad siday Gen. Cali Bogmadow oo ay Dowladda federalku u magacowday qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka, inkastoo markii dambe xal laga gaaray.

Puntlandi.com

Comments are closed