|

Daawo : – Hargeysa oo lagu qabtay xubno DDSI ah, iyo Maamulka hargeysa oo dib u bilaabay dhiibistii iyo ganacsigii Shacbiga Ogaadeeniya ( Shalay ONLF, maanta E×-DDSI )

Maamulka Somalidiidka ah ee ka arimiya magaalada Hargeysa ayaa dib u bilaabay ka ganacsigii iyo ugaarsigii uu caanka ku ahaa ee Shacbiga ka soo jeeda maamulka Somaaliyeed ee Ogaadeeniya.

Garoonka diyaaradaha   ee Cigaal Airport ee magaalada Hargaisa ayaa waxaa shalay lagu qabtay xubno Wasiiro ah oo horay uga tirsanaa Maamulkii Madaxweynihii dowladd deegaaanka DDSI ee Cabdi Maxamuud Cumar, oo hadda xabsi dawlo ku ah magaalada Adis- Ababa.

Wasiirada la qabtay ayaa waxaa kamid ahaa  Ibraahim Aadan Mahad oo ahaa  Wasiirkii waxbarashada  ee dowladd deegaanka Itoobiya iyo Wasiirka Caddaaladda   Cabdi Jaamac.

Maamulka Hargeysa ayaa hore caan ugu ahaa ka ganacsiga iyo ugaarsiga Xubnihii ururkii ONLF iyo shacbiga qaxootiga ah ee ka soo carara dulmiga ka socday Ethiopia, iyadoo maamulka Hargeysa mudo 27 sano ah saaxiib dhow iyo adeege u ahaa Xukumadii Tigerga ee xukunka u haysay Ethiopia iyo Madaxweyinihii hore Kilalka 5aad Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley ).

Maanta maamulka hargeysa ayaa bilaabay inuu ka faa’iideysto, oo isku diro Shacbiga Somaali Galbeed, iyagoo si xun naf uga raadinaaya xaalada kala guurka ah ee ka jirta guud ahaan Ethiopia iyo Gaar ahaan Maamulka Somaalida ee xaruntiisu tahay Jigjiga.

Maamulka Hargeysa haddii uu shalay ONLF iibsan jiray oo Ethiopia iyo Tigeray u dhiibi jiray, maanta waxa uu ugaarsanyo ee uu maamulka cusub ee Raisal Wasaare Abiy Ahmed Cali uu u dhibayaa waa saaxibadisii hore ee DDSI.

Isku soo wada duubo dadka u maamulka Hargeysa halkan iyo halkeerba ama shalay iyo maanta uu ka ganacsigooda uu citaarafka ku raadinayaa waa dhiiga Shacbiga Ogaadeeniya.

Umadda Somaali Galbeed maanta waxaa la gudboon in ay midoobaan, oo aanay cadoowgooda u ogalaan fursada uu raadinaayo ee ah isku dirka iyo dilaalnimada ah

Halkan ka daalaco Maamulka Hargeysa oo qabtay xubno ka mid ahaa golihii xukumadii hore ee DDSI

Comments are closed