|

TACSI ku socta Qoyska Reer Abshir Faardi oo Hooyadood Khadijo Axmed Ciise shalay ku geeriyootay, maanta lagu aasi doono magaalada Minneapolis

INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJUCUUN.

GEERIDU WAA XAQ.

Waxaa Allaah ha u naxariistee maalintii shalay Khamiis 23.08.2018 ku geeriyootay magaalada Minneapolis Marxuumad Hooyo Khadiijo Axmed Ciise.

Annagoo ka tiiranyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Hooyo Khadiijo Axmed Ciise waxaanu Tacsi u direynaa Dhamaan qoyska Reer Abshir Faardi iyo Reer Axmed Ciise, ehelkii iyo Asxaabtii Marxuumadu ka baxday.

Waxaanu Tacsi gaar ah u diraynaa Aabe Abshir Jamac Cumar ( Abshir Faardi ) iyo Awlaadi ay ka baxday marxuumadu oo kala ah :
Fadumo abshir faardi
Ruun abshir faardi
Nasro Abshir
Mohamed Abshir
Ahmed Abshir iyo
Deeq Abshir Faardi

Waxaanu Ilaahay uga baryeynaa marxuumada dembi dhaaf iyo naxariis, iyagana Ilaah inuu samir iyo iimaan waasic ah ka siiyo.

Allaah ha u naxariistee Marxuumad Khadiijo Axmed Ciise maanta oo Jimce ah ayaa lagu aasi doonaa magaalada Minneapolis

Comments are closed