|

TACSI : – Allaah ha u naxariistee Suldaan Maxamuud Gelle Cumar oo xalay ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee Danmark

INAA ILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJUUN.

GEERIDU WAA XAQ.

Waxaa Allaah ha u naxariistee habeenkii xalay ee Axda 29.04.2018 ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee Cariga Danmark
Suldaan Maxamuud Gelle Cumar.

Allaah ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamuud Gelle Cumar ayaa ahaa Aqoonyahan iyo Oday Somaaliyeed oo xilal dawladeed ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maray, sidoo kale marxuumka ayaa ahaa shakhsi cibaado badan,oo dadka aad u xiriiriya.

Marxuum Suldaan Maxamuud Gelle Cumar ayaa mudadii burburka ku noolaa, kana mid ahaa Odayaasha iyo waxgaradka Jaaliyada Somaaliyeed ee Danmark.

Anaggoo ka tiiraaneysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Marxuumka waxaanu Allaah uga baryeyna naxariis iyo dembi dhaaf, Jannadii fardawsana Ilaah ka waraabiyo, isla markaana Kitaabkiisa gacanta midig ka siiyo.

Sidoo kale waxaanu tacsi u direynaa Qoyskii,Ehelkii iyo Asxaabtii marxuumku ka baxay in Allaah Samir iyo iimaan ka siiyo.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Puntlandi waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan dhamaan Qoyska reer Gelle Cumar, Ehelkii iyo Asxaabtii iyo guud ahaan Shacibga Somaaliyeed iyo midka Jubbaland / Puntland marxuumku ka baxay inuu Eebbe samir iyo iimaan ka siiyo. Marxuumkana waxaanu Allaah uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf

Comments are closed