|

Tacsi Marxuum Bashiir Cabdiraxmaan Diiriye (Bashiir Bardacad) Oo shalay ku geeriyooday Seattle Maraykanka



Jaaliyada Puntland ee Denmark iyo Maraykanka waxay si wada jir ah tacsi ugu dirayaan Dhamaan Ilma Bardacad iyo guud ahaan Qoyska Reer Diiriye geerida ku timid walaalkood Bashiir Bardacad oo Habeyn hore 23.8.2018 ku geeriyooday Seattle Dalka Maraykanka.

Waxaa Tacsi gaara loo dirayaa Xaaskiisii iyo Caruurtii uu marxuumku ka tagay oo iminka ku nool Gaalkacyo.

Waxaan ilaahay ugu baryaynaa Marxuumka jano waarta iyo dambi dhaaf iyo in illaahay samir ka siiyo Ehelkiisii iyo Caruurtiisii Aaamiiiin.

Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi si gaara ayay ugu tacsiyeynayaan Siciid Bardacad geerida ku timid Walaalkiis Marxuum Bashiir Bardacad.

You must be logged in to post a comment Login