|

(SAWIRRO) Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo maanta si weyn loogusoo dhoweeyay Garowe.

Garowe (Puntlandi) Waxaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland si balaaran loogusoo dhoweeyay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo kamid ah Isimada Puntland, kaasoo safar dhinac lugta ah kaga yimid degmada Carmo ee gobolka Bari.

Boqolaal shacab ah, salaadiinta dhaqanka iyo masuuliyiin katirsan dowladda Puntland ayaa soo dhowaynta Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil uga qeyb galay duleedka degaanka Laanta Hawada oo qiyaastii dhowr iyo toban km u jirta magaalada Garowe.

Beeldaajaha ayaa salaan la raacay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay soo dhowayntiisa, kuwaas oo dhowr saacaddo u taagnaa qorraxda si ay soo dhowayn ugu sameeyay isaga iyo wafdiga la socday.

Beeldaajaha ayaa soo dhowaynta kadib loosoo gudbiyay hoyga uu Garowe ka degen yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed halkaasi oo ay kula hadleen saxaaafada.

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay beeldaajuhu inuu yimaado Garowe, isagoo sheegay shacabkiisu inay sugayeen tan iyo markii la Caano shubay.

Beeldaajaha oo isagana hadal kooban jeediyay, ayaa mahad celiyay kadib sheegay inuu Garowe u yimid sidii uu wadatashi ula yeelan lahaa shacabka Puntland iyo dowladda.

Waa markii ugu horeysay oo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil uu yimaado Garowe tan iyo markii lagu caleemo saaray magaalada Carmo, 15kii bishii Abril ee sannadkaan, wuxuuna kamid yahay Isimada dhalinyarada ee bahda dhaqanka kamid noqday.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

Comments are closed