|

Madaxweynaha DDSI oo bilaabay kulamo uu la yeelanayo Jabhadihii hubeysnaa



Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Maxamed Cumar ayaa bilaabay inuu la kulmo Jabhadihii usoo halgamey Gobonimo doonka Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Kulan uu shalay la qaatay Jabhada Wadanigi ah ee Xoreynta Ogasdeeniya (ONLF) ayuu kula heshiiyey iney Dalka dib ugusoo laabtaan iyagoo ku heshiiyey Qodobo ay ka mid ahaayeen in Lawada ilaaliyo Nabadgalyada ayna ka qayb qaataan Awood qaybsiga Siyaasada Deegaanka.

Waxaa kaloo lagu heshiiyey in Halgamayaasha usoo halgamey deegaanka ay helaan xanaano iyo xaqooda.

Puntlandi.com
Garowe

You must be logged in to post a comment Login