|

Dhagayso : – Madaxweyne Gaas oo dhoofay, marti qaad rasmi ahna ka helay Dawlada Imaaradka Carabta

Madaxweynaha  Puntland ayaa maanta u Ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee Caasimada dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, Madaxweynaha oo marti qaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee dalkaasi ayaa Safarkiisa la xiriiraa iskaashiga iyo taageerada dawlada Imaaradku ka geysato mashaariicda horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Dawlada Puntland.

Sidoo kale socdaalka Madaxweynaha ayaa diirad lagu saari donaa sidii dawlada Imaatadku u laba laabi laheyd taageerada ay ku bixiso dhinacyada arimaha bulshada, siiba waxbarashada iyo caafimaadka.

Waxaa xusid mudan in dawlad Imaaradka Carabtu ay tahay dawlada kaliya ee mudo tobon sano ku siman dawlada Puntland ka taageereysay hawlaha dhismaha, tababarada iyo Daryeelka Ciidanka Difaaca iyo ilaalada Badda ee Puntland ( PFBM )oo dagaal joogta ah kula jira kooxaha Argagxisada iyo Burcad badeedka ah ee duulanka ku ah nabda iyo jiritaanka shacbiga iyo deegaanada Puntlabd.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in aanu jirin wax is af garan waa ah oo ka dhexeeya dowladda Fadaraalka Soomalaiya iyo dowladda Puntland ,waxaana intaasi uu ku daray hadalkiisa  in wixii khilaaf ah ee udhaxeeya labada dowladdood ee Imaaradka iyo dowladda Federaalka Somaaliya  lagu xalin doono wadahadal iyo isfahan .

Halkan ka Dhagayso.

      Gaas pntlandi

 

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed