|

XISBIGA AL ICTISAAM ( Ex – Al itixaad ) OO AH MID GAARAY HIGSIGIISI SIYAASADEED EE PUNTLAND ILAA 70 %

Qore : Ahmed Musse

Xisbiga al ictisaam oo ah XISBIGI AL ITIXAAD AL ISLAAMI oo magacii bedeshay ka dib guul darradi kaga dhacday dagaalki is miidaamiska ahaa ee 1992 ay ku soo qaadeen Goboladi la oran jirey WOQOOYI BARI haddana loogu yeero Puntland.

Guul darradi ka raacday dagaalkaas waxay ka bedeshay aragtidoodi ahayd inay xoog wax ku qabsan karaan, sidaas darteed waxay dejiyeen qorshe iyo aragti cusub oo ku salaysan in la helo 3 qodob :-
1- in loo hawl galo sidii bulshada loo kasbi lahaa oo gacanta loogu dhigi lahaa inta badan, iyadoo loo marayo dariiqyadan :-

a) In xarumaha waxbarashad laga bilaabo Dugsi Quraan —- heer jaamacadeed gacanta lagu dhigo , si fekerka xisbiga loogu ababiyo jiilka soo koraya.

b) In xisbigu gacan mug leh ku yeesho soo xulidda Isimada iyo Nabadoonada beelaha, si arrimaha xisbigu ay beelaha dhexdooda uga najaxaan.

2-a) in si buuxda looga mid noqdo golayaasha maamulka dalka ee kala duwan, iyadoo xoogga la saarayo in Gudoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka muhiimka xubno xisbiga ka tirsani ugu guulaystaan, si hadafka xisbigu u meel maro.

b) In shakhsiyaadka Manaasiibta Maamulada & Bulshada jooga la tashkiiliyo oo xisbiga lagu soo xiro si arrimuhu inoogu fududaadaan.

3-) In hanti la tabco , si hawlaha loo baahan yahay u noqdaan kuwo dha kasta taaba gal ka noqda oo aan dhanka maaliyadda u dhutin.

Sidaas darteed xisbigan al Ictisaam waa mid u soo samaray 25 sano inay soo gaaraan heerka ay hadda marayaan oo ah inay ku guulaystaan doorashooyinka madaxnimada magaalooyinka waaweyn ee muhiimka u ah Puntland.

1992 waxaa xisbigan si aan ka fiirsi lahayn loogu dhiibay ISHI DHAQAALAHA( Ex – Goboladii Waqooyi Bari ) oo ahayd Dekedda Bosaso.

Lacagti ayay hub ku iibsadeen ummaddi iyagoo diifaysan ku wareejiyey dekedoodi weerar bahalnimo ku qaadeen oo boqolaal qof dileen.
Su’aashu waxay tahay war raggu waa isla iyagii !!!!!

Yaa damaana qaadaya hadday awood maamul inagu helaan in aanay wadadoodi weerar, la iman doonin ?

(LIBAAX MARABBI MA NOQDO)

Comments are closed