|

Biyo xireenkii ugu weynaa Puntland oo lagu guulaystay inuu qabto biyihii ugu horeeyay.

Biyo xidheenka Dhoomo ee degaanka Midigale ee gobolka Sanaag ayaa guul laga gaadhey inuu qabto biyihii loogu talo galay.

Biyo xidheenkan oo ay Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimiladu hirgelisay ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee Puntland laga sameeyo .

Bulshada iyo masuuliyiinta degaanka ayaa wasaaradda degaanka uga mahad celiyey samaynta biyo xidheenkan, waxana la rajeynayaa inuu muddo kaydin doono biyahaas oo dadka iyo duunyaduba ay ka faaiideysan doonaan.

Dawladda Puntland ayaa qorshaysay in laga faaiideysto biyaha togaga ee Badda ku shubmaya degaankana sii baabi’inaya taasoo keentay in la sameeyo biyo xidheeno badan guud ahaan Puntland.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login