|

Barlamaanka dowladda Puntland oo go’aamo kasoo saaray arimaha Xajka.

Garowe (Puntlandi) Guddiga Joogtada ah ee barlamaamka dowladda Puntland ayaa go’aamo kasoo saarey arimaha Xajka iyo dhiig miirashada lagu wado shacabka Soomaaliyeed ee xujeyda ah.

Guddiga joogtada ah markii ay dhegaysteen cabashooyinka ay kasoo jeediyeen shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Puntland dhibaatada arimaha Xajka ka taagan, waxayna soo saareen go’anaadaan.

  1. in Arimaha xajka oo ah masuuliyad ay leedahey dowlada Federaalka soomaliya lagu wareejiey shirkado gaar loo leeyahay iyadoo aanay waafaqasaneyn Cadalada iyo Nidamka Dowliga ah.
  2. in cabashooyinka muwaadiniinta soomaliyeed ee Xujeyda ah aan dheg jalaq  loo siin, shirkadahasuna ay marwalba ku guuleystaan  iney burburiyaan dhaqalaha xad dhaafka ah ay ka helaan XAJKA.
  3. in xujeyda soomaliyeed laga qado Qiimo aad uga sareeya kan ay ku xajyaan xujeyda  wadamada aan deriska nahay.
  4. in dhaqalahaas faha badan  ee laga qaado xujeyda soomaaliyeed aan loogu qaban adeegii ay xaqa u lahaayeen Sida. safarada diyaaradaha , Gaadiidka Cuntada, Deegaanka , caafimaadka iyo guud ahaan fududeynta waajibaadka Xajka dhibaatadaas aan kor ku soo sheegney.

Guddiga joogtada ayaa madaxweynaha Dowladda federalka iyo Ra’iisul wasaraha Dowladda federaalka ugu baaqey in Arimahaan deg deg  ay wax uga qabtaan  Arimaha Xajkana ay ku soo celiyaan gacanta dowladda  si ay u maamulaan Wasaradda Arimaha Diinta Dowladda Federaalka iyo wasaaradaha dhigeeda ah dowladaha xubnaha ka ah dowlda federaalka Soomaaliya.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login