|

(Dhegayso ):- Wasiirka Ganacsiga dowladda Puntland oo sheegay in Xafiiska Taya dhawrka badeecadaha Puntland laga hirgalin doono Degmooyinka iyo Tuulooyinka ka baxsan laamiga

Hay,ada Taya dhawrka  iyo badecadaha ee dowladda Puntland ayaa  Garoowe ku Qabatay aqoon iswaydaarsi ku saabsan qaabka ay u wada shaqayn karaan Shaqalaha Hay,ada Tayo dhawrka Puntland iyo wasaaradaha shaqo wadaaga ay yihiin .

Furitaanka  aqoon iswaydaarsigan waxaa ka qayb galay Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Puntland C/wali Xirsi Indhaguran , wuxuuna Sheegay in  ay muhiim tahay sidii uu barnaamijka ufidi lahaa una gaari lahaa Degmooyinka iyo tuulooyinka  ka baxsan laamiga ,si ay dadku uhelaan cunto iyo Cabitaan tayadooda lahubiyay.

 

Bishii August  sanadkii 2017 kii ayuu Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas  uu xariga ka jaray xafiiskan .

Tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ,Puntland ayaa noqotay meeshii ugu horaysay oo laga furo xafiis noocan ookale ah oo lagu baaro Beecadaha Noocyadooda kala duwan.

Halakn ka dhegayso Wasiirka.

      Wasiir indha guran

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login