|

Maxkamada gobolka Karkaar oo go’aan kasoo saartay labo nin oo loo haysto dil dhawaan ka dhacay Qardho.

Maxkmadda derajadda koowaad ee Qardho maanta waxaa la horkeenay labo eedaysane oo loo haysto inay dileen Marxuum lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan C/laahi Axmed, kaasoo dhawaan maydkiisa laga helay jidka udhexeeya Qardho iyo Garowe.

Maxkamada ayaa labadaan nin oo ku xukuman dil qisaas ah waxay amartay in xabsiga lagu hayo si loo baaro dambiga loo haysto, go’aan kama dambays ahna looga gaaro kiiskooda.

Halkaan hoose ka akhriso go’aanka maxkamada.

 

You must be logged in to post a comment Login