|

(Dhegayso ) +Sawiiro :-Waxgarad iyo Siyaasiyiin ugu baaqay dowladda Itoobiya in Madaxweynihii hore ee Dowladd degaanka Itoobiya ay dib Xoriyadiisa ugu celiso

Odayaal iyo siyaasiyin kaso jeeda Puntland oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Boosaso ayaa dowlada Itoobiya ugu baaqay inay xoriyadiisa uso celiso Madaxweynihi hore ee deegaanka Soomalida Itoobiya, oo ku xiran xabsi kuyaala Magaalada Addisabab.

Siyaasiyintan iyo Odaysha ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayey Cabdi Maxamud Cumar uu hormar lataaban karo uu gaarsiiyey deegaanka, wax muuqdana uu ka qabtay Nabadgelyada iyo Adeegyada asaasiga u ah bulshada dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya kunool.

Dhinaca kale shirkooda  Jara’id  ayay wax gagaradka iyo siyaasiyinta kaso jeeda Puntland Waxa ay uga hadleen dhibaatoyinka Qowmiyada oromadu  ay kawado Dhulka Soomaalida, iyagoona ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay in dhaha ka laabanayso dhibaatda  ay Oromadu kuhayso dadka Soomaalida ah.

Dhawaan ayey ahayd markii ay Warbaahinta lahadashay hooyada dhashay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegtay in la jirdilay .

Halkan ka dhegayso.

      Warbixinta Puntlandi Bosaaso

Sawirro.

 

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login