|

Daawo Madaxweyne Farmaajo oo maanta cashar siyaasadeed loogu dhigay Adisababa Airport ( M/weyne Maamul Goboleed baa loo diray inuu soo dhaweeyo, halka uu kuwiisii uu la coloobay )

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal rasmi ah ugu ambabaxay Dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka qeyb geli doona shirka urur goboleedka IGAD oo maanta ka furmay magaalada Adisababa ee caasimada Ethiopia.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka Bolla Internaional Airport si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Ethiopia Mudane Mustafe Maxamuud Cumar ( Mustafe Cagjar)

Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo uu kala kulamay maanta dawlada Ethiopia ayaa ah mid cashar Siyaasadeed lagu siinayey Madaxweynaha Somaaliya oo wakhtigan xaadirka ah colaad iyo xurguf Siyaasadeed u dhaxeyso Madaxda maamul goboleedada Somaaliyeed.

Waxaa muuqada in madaxda Somaaliyeed la baraayey in Dawladnimadu tahay haykal Siyaasadeed oo isku xiran, isla markaana dadka ka dhexeeya oo la wadaleehay, isla markaana aan caabuq iyo cuqdad laga qaadin haddii M/weynaha Maamul Goboleedka Jubbaland uu garoonka Diyaaradaha ee Adan Cade uu ku soo dhaweeyo Madaxweynaha Turkey

Siyaasiga Somaaliyeed ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku macneeyey soo dhaweynta uu madaxweyne Farmaajo maanta la kulmay sidan : Dhinaca Soomaalinimo marka laga eego waa sawir suurad fiican bixinaya, fariintuse waxay tahay waxaan Madaxweyne dawlad goboleed kuugu soo dirnay in aad kuwaaga la heshiiso.



You must be logged in to post a comment Login