|

Bankiga horumarinta Islaamka oo joojiyay mashaariic malaayiin dollar ku baxaysay oo Soomaaliya laga fulinayay.

Muqdisho (Puntlandi) Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa joojiyay mashaariic malaayiin dollar ku baxaysay oo loogu talo galay in lagu taageero Soomaaliya Soomaaliya, sababo la xiriiray eedeeymo musuqmaasuq iyo maamul xumo.

Mashaariicdaan la joojiyay ayaa ku baxaysay shan milyan oo dollar. Bankiga horumarinta Islaamka ayaa tan iyo bishii labaad ee sannadkii 2017, waxaa uu koontada Soomaaliya ku shubay lacag dhan hal milyan iyo bar dollar.

Laakiin, sida lagasoo xigtay hantidhowraha bankiga horumarinta Islaamka, ma jirin guul la taaban karo oo laga gaaray mashruucaan.

Bishii Julay ee sannadkan, warqad uu qoray bankiga ayaa lagu sheegay inay jiraan cabasho badan oo la xiriirtay, la’aanta nidaamka lacag-bixinta (payment system)

Bankiga IDB. ayaa weydiistay dowladda federalka Soomaaliya in la sameeyo baaritaan qoto dheer  lana qaado tilaabooyin ku haboon islamarkaana IDB wuxuu bankigu xayiray dhaqaalihii uu ku shubi jiray bankiga Soomaaliya.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login