|

BREAKING:- NEWS :- Ciidamada Bada Puntland, laantooda ladagaalanka Argagixisada oo Howlgalo ka wada degmada Garacad

Ciidamada Bada  Puntland qaybtooda ladagaalanka Argagixisada ayaa waxa ay Howlago qorshaysan ay ka wadaan  degmada Garacad ee Mudug .

Howlgalkan ayaa ah mid ay ciidamadu ay ku xaqiijinayaan amniga degmada iyo Xeebaha Puntland, si looga hortago falal Argagixis nim oo oo ay kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ay ka soo abaabulaan dhanka gobolka Mudug .

Ciidamada ayaa helay xog ku saabsan in  Argagixisada  Al-shabaab  iyo Dacish ay  isku uruursanayan tuulooyin hoose yimaada degmada Garacda   ayna doonayaan in ay  weeraro gaadmo ah ay ka soo qaadaan.

Saraakiisha ciidamada hogaaminaysa ilaa iyo hada ma aysan soo sheegin in ay jiraan xubno shabaab ka tirsan oo ay howlgaladan ku qabteen.

Sanadkii 2016 kii ayay ahayd markii koox Shabaab ka tirsanayd ay ka soo dageen Dhanka xeebta ah ee degmada Garacda, halkaas oo ay maalmo  kooban ay gacanta ku hayeen  ,walow markii dambe ay cagta mariyay ciidamada Difaaca dowladda Puntland, iyadona howlgalkaasi kooxda   Shabaab  looga dilay malayshiyaad farabadan, Maxaabiisna looga qabtay.

Sawirro.

Comments are closed