|

(Dhegayso):- Wasiirka maaliyada Puntland” Cod dheer ayaan ku leeyahay Ganacsatadu Canshuur Ma bixiso

Wasiirka wasaarada maaliyada dowladda Puntland  Cabdiqaadir Siciid Carshe ayaa Ganacsatada Puntland waxa uu ku Dhaliilay in aysan bixin canshuurtii dowladda sidii looga baahnaa .

Wasiirka maaliyada Puntland ayaa waxa uu isbar bardhig uu ku sameeyay Canshuurta laga qaado  magaalooyinka Muqdisho,  Ber bera iyo Bosaaso.

Waxaana uu sheegay in kiishka sokorta ah ee ka soo daga  dekeda Bosaaso Ganacsatada Puntland ay dowladdu ka  qaaado canshuur dhan 0.47 santi ,halka Muqdisho uu ka yahay  kiishka sonkorta ah 3 doolar , Ber berana uu ka yahay 2.5, taas oo macnaheedu ay tahay in ganacsatada Puntland laga qaado can shuur aad  uga hoosaysa mida laga qaado ganacsatada dhigooda ah ee waxa kala soo degta Magaalooyinkaasi

Wasiirka ayaa shegay in canshuurta intaasi laeg ee laga qaado ganacsatada  Puntland ay dowladdu kaga shaqayso Amniga , Waxbarashada , Mushaharaadka Ciidamada iyo difaacii dalka.

Ganacsatada iyo shacabka ayuu ugu baaqay Wasiirku in ay cashuurta bixiyaan ,si ay dowladdu ugudato waajibaadka Saaran.

Hadalkan ayuu  wasiirku waxa uu ka sheegay  shir looga hadlaayay horumarinta Degmada Bosaaso oo shalay lagu qabtay hoolka dowladda Hoose  ee magaalada Bosaaso.

 

Halkan ka dhegayso.

      Wasiirka maaliyada Puntland

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login