|

(Dhegayso ):- Gudoomiyaha Gobolka Bari” Laba cadow ayaan la dagaalamaynay, Bosaaso waxaa yimid cadow sadaxaad

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa sheegay in Ciidamada amniga ee magaalada Bosaaso ay dagaal kula jiraan labo cadow oo Duulaan ku ah Nabad galyada gobolka kuwaa oo kala ah, Daacish iyo Al-shabaab , Balse waxa  u uu sheegay in uu soo kordhay cadow sadaxaad oo ka soo dhex baxay Bulshada magaalada ku nool.

Gudoomiye  Dhado ayaa sheegay in cadowga sadaxaad ee uu sheegayo ay yihiin Dhalinyarada  Mobilada furata oo dadka ku baarta Tooreeyo in Baastoolado.

Waxa uu sheegay in dhalinyaradaasi qaatiga laga taaganyahay ay dhaleen dadka Magaca iyo mansabka kuleh bulshada dhexdoda .

Waaalidiinta dhashay dhalinyaradn ayuu ugu baaqay  Gudoomiyaha in ay ubadkooda  ay ceshadaan hadiikale ciidamada amniga ay u dhaadhicin doono  Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo .

Halkan ka dhagayso.

      Gudoomiye Dhado

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed