|

Maxkamadayntii Madaxweynihii hore ee Dowladd deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo markale baaqatay

iaydoo maanta lagu waday  in Maxkamad lasoo taago Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya  ayaa waxaa baaqatay Maxkamadeentiisii kadib  markii ay xeer ilaalintu ay  codsadeen mudo kordhin  si ay u soo baaraan kiska loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeerilaalinta ayaa horay u dalbaday in mudo 10 maal mod ah oo ku eked maanta  in ay dacwada Camdi Maxamuud ay ku soo dhamaystiri doonaan  , balse ma aysan dhicin cilado farsamo  darteed.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana xusid mudan in ehelkiisa ay sheegeen in xaalad Caafimaad daro ay soo wajahday loona gaystay jirdil intii uu xabsiga kujiray .

Madaxweynihii hore ee dowladd deegaanka ayaa waxaa loo heystaa intii uu ahaa Madaxweynaha ahaa  in uu geystay xadgudubyo ballaaran oo ay ka mid yihiin dilal, Barakicin iyo ku takrifal Awoodeed.

Comments are closed