|

Soomaali maanta Sharka u badan wadaaddaa ku haya!

Qore : Abwaan Cabdinuur Farax Bootaan

Hadba shaadir Ha noo soo hagoogtaan! Hadba magac cusub Ha la soo baxaan! Ogaada in dalku idinka degi la’yahay adinka oo fitnada aad qeybta ugu weyn ku leedihiin. Waa Suufi, waa Takfiir , Waa Akhwaan, Waa Bidci, adeer horta Yaa idin kala yaqaan waxa aad tihiin. Qabyaaladdii Soomaali lagu yiqiin baad Kitaabkii Alle iyo Diintii noogu soo dhex gabbateen (Malagoow ba’ ma maantuu lax isaga kay soo dhigay!) adinkoo weliba shilimaad shisheeye aad ka soo shaxaaddeen ku sameystay xarumo Xannaano Agoomeed oo aabbayaashood badankoodu gacantiinna iyo fitnada dadkaas muslimiinta ah ka dhex abaabusheen ku baxay , isla markaasna nasiib u yeeshay in aad dalka ka yagleeshaan madaariso iyo Masaajid badan oo maalgashi kooxeed iyo hanti urursi qasdigoodu u badan yahay, ilaa aad isu qaadateen in talada dalkuba adinka uun idinka go’do dowladnimadiina ka dhigteen xawaaladaha aad haysataan oo hadba koox cusub ummadda dusha uga soo xawishaan.

Warkii Hore War soo Dhaaf!

In qaarkiin sheegto ‘Firqatu Nasjiyyah’ (Hormadii Badbaadday) inta kalana gaaleysiiyaan oo dhiiggooda Sharafkooda iyo maalkoodaba aad xalaashataan inta soo dhaafteen baa hadda Ambiyadii Allaah soo diray ee macsuumiinta ahaa idinka baxsan la’dahay.

Yaa Rabbi! Allaahayoow Ka yeel culummadeenna kuwa xaqa diinteenteenna Furqaaniga ahi na farayso ku toosan, isla markaasna si dhab ah oo xeeldheeri ah ugu gudbiya mujtamaca guud iyagoon mansab iyo magac midna ka quud darreynayn!!!

Aamiin

Kibirkii iyo ismahadintiinnii maanta waxay gaartay in kuwa habowsan oo idinka mid ahi noo jideeyaan “jidbo Diineed”, Jaanta, Jabaqda iyo joofka in halmar la wada dhaqaajiyaa waajib ku tahay qof kasta oo xertooda ka mid ah, oo weliba in la wada saqleeyo xitaa haddii la cibaadeysanayo ay bannaan tahay.

Haddaba haddaad maqli jirtay khawaarij iyo is gaaleysiin qoladaan cusubi iyana waxa aaminsan yihiin in Salaad iyo Soon aan lagu lahayn qofkii si dhab ah xertaas ugu dhex milma. Haddii kale ruuxaasi Cilmi yiqiin ma uusan gaarin oo shaki iyo mugdi inuu ku jiro baa lagu shaabbadeyn isagana.

Reer Ba’oow Yaa ku leh.

Comments are closed