|

PUNTLAND : 60 sano kadib caawaan u liitaa.

Nin taksiile ah ayaa laga kiraystey Qardho iyadoo ay saqdii dhexe tahay, waa la dilay, baabuurkiisiina waa la qaatay, laba maalmood kadib ayaa meydkiisii waxaa soo heshey gabar baadiye ari la joogta.

Booliiska gobolka ayaa loo xil saaray inay baaris xoog leh ku sameeyaan si ay u soo qabtaan dembiilayaashii dilka geystey.

Askarta Booliisku dayaca ayey ka dhergeen, tababar lama siiyo, mushaar lama siiyo, qalab wax lagu baarana haba sheegin, isweydiintu waxay tahay sanadku waa 2018, Puntland 20 sano ayey maamul tahay, caawa ayey u tayo liitaan dhamaan Booliiska deegaanku.

Qoyska dhibku gaaray waa inay bixiyaan batroolka baabuurka Booliiska ee dambiilaha daba-galaya, waa inay qadada ka bixiyaan dhalinyarada qoryaha wadata ee soo qabanysa dembiilayaasha. Booliisku Intay dambiilahaas raadinayaan kharashka ku baxay oo dhan waxaa ka mas’uul ah reerka wiilka laga dilay.

Sababtu waxay tahay ciidanka Booliiska wax dowlad ah oo ay u shaqeeyaan ma jirto, iyagaa iskood booliis isaga ah, hadday darxumada haysta ka dacwoodaana waxba la idiinma heli karee iska kala taga ayaa hor taala, ogow sanad mushaarkii yarka ahaa xataa lama siin.

Allaha u naxariistee Maxamed Abshir Muuse xiliguu booliiska dalka madaxda u ahaa ayuu koox booliiska danbi-baarista u qaabilsan tababar ugu diray Wadanka Germany oo booliiska Soomaliya caawimi jirey.

Kooxdaasi wax aqoon ah oo ay u lahaayeen dambi-baarista ma jirin, laakiin waxaa kooxda ku jirey dhowr oday oo daba-gaabley ah oo ay danta iyo waayuhu iskood u tababareen oo siday dembi u baarayeen iyagu caqligooda kula soo baxay aqoon dembi baaris oo iyaga u gaar ah.

Jarmalku waxay tababarka siinayeen dhowr waddan oo Afrikaan ah oo xiliyadaas xoriyadda qaatay.

Macalinkii Jarmalku markuu qolkii tababarka soo galay ayuu ardaydii weydiiyey hadday arkaan qof dhintay oo jiirkiisii inta baab’aya keliya lafihiisii soo hareen sida lagu ogaan karo in qofkaasi yahay nin iyo inuu naag yahay.

Duq Buxuur oo Soomali ah ayaa farta taagay:

Waxaan ku ogaanaynaa dumarka iyo raggu waxay ku kala duwan yihiin lafaha miskaha oo miskaha dumarku way kala durugsan yihiin wayna xoodan yihiin.

Macalinkii: Haddii qaarka danbe iyo lafaha miskuhu maqan yihiin sidee ku ogaan kartaan.

Duq Buxuur: waxaan ku ogaan karaa qalfoofka madaxu meeshuu yaalo dufan/saliid badan ayaa dhulka ka muuqanaysa, oo dumarku timahooda dheer awgiis saliidii badnayd ee ay madaxa marin jireen ayaa dhulka ku duxaysa.

Macalinkii: yaa qiyaasi kara da’da qofkaas la dilay?

Duq Buxuur oo isagu mar kasta gacanta taagaya ayaa yiri:

Marka hore gows caqliyeedka ayaan fiirin lahaa si aan ku ogaado inuu qofkaasi qaangaar ahaa iyo in kale, kadibna lafaha dhabarka hoose ayaa ii kala sheegi lahaa inuu qofkaasi yahay dadka meel dhexaadka ah iyo inay lafuhu jilicsan yihiin oo uu yahay qof da’da afartankii dhaafay oo lafaha dhabarku hadba waxay la jilcaan shaqooyinka uu qofku noloshiisii soo qabtay oo qofku markii da’ ku korortaba lafaha dhabarka hoose waa sii jilcaan.

Macalinkii: Haddii qofkaas la dilay uu qof dumar ah ahaa ma ogaan kartaan inay wax dhashay iyo inaysan wax dhalin?.

Duq Buxuur fartiisu way taagan tahay oo wuxuu yiri.

Inay caruur dhashay iyo in kale waxaan ku garan lahaa naagtu markay cunug dhasho hadday dhimato markiiba lafteeda madaxa waxaa ku dhacay dildilaac oo waxaa keenaya xanuunkii iyo jiirashadii foosha, laakiin hadday gabar ahayd oo aysan wax dhalin lafteeda madaxu ma dildilaacdo. Hadday naagtaasi dhowr caruura soo dhashay dildilaaca lafta madaxu waa sii badanayaa.

Macalinkii: qofkaas mayd ka ah ee la dilay haddii lafihiisa weli jiir ku daboolan yahay oo diqsigii iyo dixirigii ku dhex nool yihiin yaa ii sheegi kara xiligga la dilay qofkaas.

Duq Buxuur; taasi waa sahale, dixirigga maydka ku dhex dhasha maalin kasta oo uu meydka ku dhex jiro wuu sii weynaadaa oo inta maalmood ee uu dixirigu maydka cunayey maalin kasta dixiriga maraar/diilin ayaa ku darsanta, inta maraaryood ee uu dixirigu leeyahay iyo cabirka dhererkiisa ayaan uga qiyaas qaadanayaa inta maalmood ee meydku meesha yaaley.

War macalinka Jarmalku su’aashuu weydiiyaba oday Buxuur oo Daba-Gaab kii weynaa ee askarta wata ayaa farta taagaya oo su’aasha uga jawaabaya sidii uu isagu caqligiisa ka soo helay waqtiguna soo baray.

Africankii kale waaba yaabeen, waxayba is yiraahdeen ileen Soomalidu waaba aqoon yahano.

Macalinkii jarmalku markuu ka yaabay Soomalida dadaalkeeda iyo siday u maarayso denbi baaristeeda ayey waxay soo siiyeen qalab badan oo u sahalayey inay danbiyadda si fiican u baaraan sida qalabka Finger-printiga lagu sameeyo, waxayna tababarkii ka soo galeen numbarka koowaad oo Afrikaankii kale aad bay uga sareeyeen.

Xiligaas oo ay ahayd xili gumaysi iyo dayac laga soo baxay oo ay ka soo wareegtay 58 sano ayey maanta Soomalidu ka sii liidataa, xataa tababar iskood ah oo waaayuhu bareen malahan kuweenu.

Iga rumayso inkastoo nimankii ninka dilay la qabtay haddana muddo ayey baabuurkii Taksiga ahaa uga shaqaysanayeen Garoowe iyo Qardho dhexdooda oo xitaa taargadii iyo buugii lahaanshaha baabuurka iyo sticker-raddii taksiga ku dul dhegenaa aysan midna ka fujin, oo waxayba aaminsanaayeen inaan weligood la heleyn, maxaa yeelay taraafiko baabuurta la socota oo sharciga baabuurka ku weydiinaysa ma jiraan, Taargada baabuurtu maba register garaysna, taargo meelahaas lagu tuuray ama baabuur hore aad ka fuqsatay ayaad ku dhegsan kartaa.

Maanatay ugu il-xun tahay waxayna isu haystaan inay dowlad yihiin, waxaana keenaya midka la doortaa shaqada uu qabanayo kama fiiriyo inay dadka muhiim u tahay ee wuxuu fiiriyaa inay isaga muhiim u tahay, wuxuu rabaa inuu ceelal gaas iyo shirkado waaweyn la heshiiyo isagoo dayacay Booliiskii tuuga iyo kan wax dilaya soo qaban lahaa, markaasaa amnigii faraha ka baxaa.

Qore : Cusmaan Cabdi

Comments are closed