|

DEG-DEG:- Wasaaradda waxbarashada Puntland oo shaacisay macalimiin shil gaari galay

Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay boggeeda Facebook waxya ku shaacisay inay maanta shil gaari galeen macalimiin katirsanaa Howl-wadeenada loo xilsaaray Imitixaamadka shahaadiga ee todobaadka soo socda ka bilaabanaya Puntlad.

Macalimiintaan oo saakay ka ambo baxay magaalada Garowe ayaa safar u ahaa magalada Boosaso iyagoo howalahoodii sahaqo imtixaanka u baxay.

Waxay kala ahaayeen maamulaha Dugsiga sare Al-waaxa Cumar Yuusuf Aadan( Cumar Jeego) macalin Muqtaar iyo Macalin C/qaadir dheere, waxaana dhaawacooda lasoo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Garowe.

Wararka aanu helayno waxay sheegayaan inuu culus yahay dhaawaca soo gaaray macalimiinta. Sawirro lagasoo qaadya gaariga shilka galay ayaa muujinaya gaariga shilka galay oo gubanaya.

Puntlandi.com

 

 

You must be logged in to post a comment Login