|

DEG DEG:-(Dhegeyso)Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay arimaha Dastuurka KMG ah

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maantay ka hadlay shir looga hadlayo dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arimaha dastuurka iyo federalka.

Madaxweyne ayaa ka hadlay nooca Dastuur ee la doonayo inuu dalku yeesho,madaxweyne Gaas ayaa sidookale mar uu ka hadlay dastuurka KMG ah iyo Marxaladihii uu soo maray waxaa uu sheegay in dadaal badan ay puntland ku bixisay sidii loo heli lahaa dastuur dalku yeesho balse la xaday.

Madaxweyne Gaas oo hadalkiisa laga dheehanayey khilaaf u dhexeeya isaga iyo dowladda Madaxda dowladda Federalka ayaa sheegay in dalku uusan u baahnayn inuu dib ugu laabto xukun milatari.

halkaan ka dhegeyso codka Madaxweynaha.

      Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

Puntlandi.com

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login