|

(Sawirro) Madaxweyne Geele oo Jeddah lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu Hogaaminayay  ayaa maanta waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Geele ayaa ka qaybgali doona shir lagu heshiisiinayo wadamada Jabuuti iyo Eritrea oo uu dhexeeyo muran dhanka xuduudka ah .

Isaias Afwerki Madaxweynaha Eritrea iyo Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku kulmi doona magaalada Jeddah.

Dowladda Sacuudiga ayaa garwadeen ka ah wadahadalan lagu dhex dhexaadinayo  Dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea.

Sacudiga ayaa saaxiib dhaw waxa uu la noqday madaxda wadamada Itoobiya iyo Eritrea .

Sawirro.

 

 

Comments are closed