|

(Dhegayso ) Madaxweynaha Puntland oo maanta lagu soo dhaweeyay Qardho kuna wajahan Baran

Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Cali  Gaas ayaa maanta waxa uu soo gaaray degmada Qardho ee xarunta gobolka kar kaar, halkaas oo ay ku soo Dhaweeyeen dadweyne aad ufarabadan iyo maamulka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ku wajahan yahay maalinta beri ah degmada  Baran ee gobolka Sanaag ,halkaas oo lafilayo in uu ka  daah furo mashaariic horumarineed oo ay dowladda ka hirgalisay.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kormeer uu kutagay Isbitaalda degmada Qardho ,xarumaha dowladda ,waxaana loo gudbiyay xarunta Madaxtooyada ee degmada qardho halkaas oo  uu saxaafada kula hadlay .

Qaban qaabada soo dhawaynta  Madaxweynaha ayaa waxa ay ka socotaa degmada Baran , waxaana wadooyinka iyo magaalada dhexmara lagu xardhay  Calanka Puntland iyo Sawirrada Madaxweynaha .

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa shan sano ka hore xiligii uu ku jiray Ololihiisa Doorasho waxa uu shacabka degmadaasi ka balan qaaday in uu ka hirgalin doono Magaalada Baran mashaariic ay kamid yihiin dhismayaal  wadooyin laami ah ,goobo Wax barasho , iyo Ceel biyood ay dadk ka cabaan ,kuaaw oo dhamaantood ay Xukuumadu ay hirgalisay intooda badan.

      Madaxweyne Gaas

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed