|

(Dhegayso) shir looga hadlaayay biyo yaraanka ka jirta qaybo kamid ah Gobolada Puntland oo Garoowe ka furmay

Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu qabtay shir looga hadlaayay sidii wax looga qaban lahaa  Biyo yaraanta ka jirta qaybo kamid ah Gobolada Puntland.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada qorshaynta iyo xriirka Caalamiga ah , waxaana ka soo qayb galay wasaaradaha Xanaanada Xoolaha ,  Wasaarada Beeraha  iyo waraabka Puntland ,hay,ada Biyaha ee Baasawayn  iyo Hay,ado caalami ah oo Puntland dhanka mashaariicda  ka taageera.

Wasiirka wasaarada qorshaynta Puntland Shire Faarx ayaa sheegay in Abaaraha soo noq noqonaya ay sabab uyihiin Biyo yaraanta ka jirta   Tuulooyinka iyo Degmooyinka qaar , wasaaraduna ay qiimayn ku soo samaysay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in mashruucan  ay ka caawinayaan Bangiga Aduunka .

Shikan ayaa ah kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu qabto magaalada Garoowe

Halkan ka dhagayso Wasiirka qorshaynta Puntland Shir Faarx Xaaji .

      Wasiirka qorshaynta Puntland

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed