|

(Sawirro)Hay,adda World Vision oo dayactir ku samaysay ceelbiyoodka Duure

Hay,adda World Vision ayaa dayactir ku samaysay ceelka Duure oo kamid ah ceelasha biyaha siiya Magaalada Garoowe kaas oo dhanka qorax u dhac ka xiga Madaxtooyada Garoowe.

Dhaqaalaha ku baxay Ceelka ayaa waxaa bixiyey Dadweynaha Britain oo soo marsiiyey DEC waxaana Fulisay World Vision iyadoo ku wareejisay.

Munaasabada wareejinta ceelka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madax ka socotay Hay,adda World Vison oo kamid yihiin  Anpoleon Phiri, Cabdifitaax Cilmi,Cali Salaad isku xiraha mashaaricda world, Sacdiyo Xasan,Gudoomiyaha Hay,ada biyaha Puntland BASAWEYN,gudoomiyaha shirgadda Nuwaako iyo masuuliyiin kale.

Hay,adda aya waxaa ay ceelka ku xirtay 2009 Xabo oo soolarka cadceeda ku shaqeeya kaas oo dhalinaya 5500 Voltage oo tamarka korontada ah kaas oo ka qaybqaadanaya yaraynta shidaalka Matoorka,iyadoona sidookale dayactir lagu sameeyey Tuubooyinka iyo Bamka matoorka.

Gudoomiyaha Hay,adda Biyaha iyo tamarta Puntland Cismaan Abshir ayaa uga mahad celiyey Hay,adda World Vision dayactirka ay ceelka ku samaysay waxaana uu sheegay inay mashaariicdaan  kala shaqayn doonaan.

Gudoomiyaha shirgadda biyaha Garoowe Nuwako ayaa sheegay in ceelka biyihiisa ay ka raqiisin doonaan bulshada waxaana Hay,adda biyaha iyo World Vision ay kula heshiiyeen in biyaha lacag jaban ay Bulshada ka siin doonaan.

Sawirro.

Puntlandi.com

 

 

Comments are closed