|

(DAAWO MUUQAAL )Xirnaashaha Dekedda Boosaso oo Laga heshiiyay

Waxaa maantay xal laga gaaray khilaaf udhexeeyey Hay’adda Tayo dhowrka ee Puntland (Quality Control) iyo Ganacsatada Puntland, kadib markii uu muran kadhashay lacag kordhin ay samaysay waaaxdu, Taasi oo ay Ganacsatadu ka soo horjeesteen.

Waxaana maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaarda Ganacsiga ee Puntland ee magaalada Boosaso Sido kalena ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada ee Puntland Cabdiqaadir Siciid caarshe Dhaqaaje, iyo Masuuliyiin Kale ayaa lagu soo Bandhigay is afgarad laga gaaray Arintaasi.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho Guran) Ayaa sheegay iney ku faraxsanyihiin Xalka laga gaaray Khilaafkii dhawaan ka dhashay Canshuur kordhintii ay sameysay Waaxda Tayo Baarista, wuxuuna Balanqaaday iney dhinacooda ka soo bixi doonaan Wixii lagu heshiiyay

Ugu dambayntiina Wasiir Indha-guran ayaa Sheegay inuusan soonoqon Doonin khilaaf dambe , Gnacsatadana ugu baaqay inay lashaqeeyaan Waaxda Tayo Baarista ee Puntland

Hay’adda Tayo Baarista ee Puntland (Quality Control) oo ah Shirkad Gaar loo leeyahay ayaa maamusho Dhamaan badeecadaha Dalka ka soo daga, waxeyna Wada shaqeeyaan inta Badan Wasaaradaha Dowladda.

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login