|

Siyaasiga Facebook iyo Call Box- yada la kireysto ayaa ka Wah-Wah iyo Qaylo badan , Siyaasiga Waxqabadka iyo Horumarka ka shaqeeya

Xaalada Siyaasada Soomaalidu waxay maanta maraysaa in Siyaasiga khuraafaadka weheshada ee Facebook fadhiya iyo kuwa calooshooda u shaqeystayaasha ah ee la kireysto ay ka wacan yihiin, Siyaasiga Hurumarka iyo waxqabadka ka shaqeeya, ee Dadkiisa iyo Dalkiisa u damqanaaya.

Waxay qabaan Dalku waa iska hagaagayaa hadaan kuligeen Facebook samaysano oo qaarkeenba qaarka kale ku caayo.

Waxa kale oo ay qabaan Dalku waa hagaagayaa hadaan sawirada badino, oo waliba sawiro farxad leh soo dhigno,ama soo post-gareyno

Waxay kale oo rajeynayaan in Insha allaah wixii 30ka sano inaga xumaaday ee dawladnimo ahaa iyo dadkii inooga dhintay iyo waliba Ururada Argagixisada waxaa inoo saxaya oo ina ilowsiinaaya Facebook-ga.

FARXADA FACEBOOK-HA AYAA INOO BALAN AH,OGOW XAQIIQADA DALKA IYO DADKA OO LAGA HADLAA WAA XANAAQ, EE LOOMA BAAHNA

Qore Cabdullaahi Quran-Jecel

You must be logged in to post a comment Login