|

BREAKING:NEWS:- Qarax Ismiidaamn ah oo Muqdisho lagula beegsaday Ciidamo Talyaani ah

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax Ismiidaamin ah lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo Taliyaani ah.

Ciidankan Qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay in ay ahaayeen Tababara yaal ka tirsanaa Midowga Yurub oo ku suganaa magaalada Muqdisho gaar ahaan  agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ee degmada Dayniile.

inta laxaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ah ,waxaan ku dhaawacmay ilaa iyo 4 qof oo kale .

waxa uu khasaare xoogan uu soo gaaray sidookale gaarigii uu Qarxa haleelay.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada Qaraxan .

Dhanka kale kooxda Al-shabab ayaa saaka waxa ay lawareegeen deegaanka Goofgaduud  ee gobolka Bay.

You must be logged in to post a comment Login