|

(Dhegayso) Amniga magaalada Garoowe oo aad loo adkeeyay iyo Gudiga Difaaca Puntland oo digniin udiray dhalinyarada Mobilada furata

Gudiga difaaca dowladda Puntland ayaa kahadlay amni darada maalmahan ku soo korortay magalaada Garowe  ee caasimada dowladda Puntland .

Gudiga ayaa sheegay in dhalinyarada Mobilada fura oo ay walidiintii dhashay ay maaro u waayeen laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo dowladda ha hoose  ee Puntland C/laahi Xaashi Qoob  Deero ayaa wacad ku maray in cidii lagu arko iyadoo Mobail furanaysa si toos ah loo toogan doono .

Wasiirka amniga Puntland Axmed C/laahi Yuusuf Dowlad oo isna goobta ka hadlaya ayaa sheegay in dhalinyarada ay ciidamada ka mashquuliyen howlihii kale ee amniga iyo ladagaalanka argagixisada ku hareeraysan magaalada Garoowe .

Amniga magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay , waxayna magaalada dhawaan ay marti galin doontaa doorashooyinka ku soo aadan Puntland ee heer Baarlamaan iyo  heer Madaxweyne .

 

You must be logged in to post a comment Login