|

(VIDEO ) Taliyaha xasilinta gobolka Nugaal “ Waalidkii kariwaayay ilmihiisa hanagu soo wareejiyo anagaa u edbinayna

Taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Nugaal Ge .Muxiidiin Axmed Muuse  ayaa waxa uu ugu baaqay waalidiinta caruutooda kariwaaya in ay  ka qabtaan dhibta ay ku hayaan shacabka ,oo ay kamid tahay  furashada Mobilada , Dhaca iyo Dilka ddaka ay ku soo wareejiyaan ciidamada xasilinta gobolka .

Taliyaha ayaa sheegay in qofdambe oo magaalada Garoowe wax kufurta aan lagu xiri doonin xabsiyada ku yaala  magaalada gudaheeda oo loo dhaa dhicin doono   Magaalooyinka Bosaaso iyo  Gaalkacyo .

Waxa uu sheegay in ay soo ban dhigi doonaan dhalinyaro farabadan oo lagu soo qabtay Mobail furasho , qaar koodan  ciidamada ay ka  soo qabtay degmada Eyl.

Waxa uu shacabka ka codsaday in ay kala shaqeeyaan Amniga .

Halkan ka daawo.

You must be logged in to post a comment Login