|

Faah Faahin: Oromo lagu dilay magaalada Bosaaso iyo Ciidamada oo wada baaritan xoogan

Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa dilkii xalay magaalada Bosaaso loogu gaystay dad ka soo jeeda qoomiyada Oromada ah ee ku nool magaalada Bosaaso.

Dablay hubaysan oo aan lagaranaynin heebtooda ayaa xalay waxa ay rasaas ku fureen dadkan oo xiligaasi ku sugnaa xaafada Saantoos oo ay Oromadu ku badan tahay.

inta laxaqiijiyay ilaa iyo  4 qof ayaa ku dhimatay  weerarkan oo katirsan  qoomiyada Oromad  ,halka sidookale hal  uu dhaawac uu  ka soo gaaray hal qof oo kale .

laba maalin ka hor ayay ahayd markii magaalada Bosaaso gaar ahaan  xarunta gobolka  Bari lagu qabtay shir looga hadlaayay ammaanka qowmiyadda Oromada, iyagoona gobta ka  sheegay in intii ay ku noolaayeen magaalada Bosaaso aysan lakulmin wax dhibaato ah.

Ciidamada amniga ee magaalada Bosaaso ayaa wada howlaglo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falkan foosha xun ee lagu dilay Oromada, mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Bari .

 

Puntlandi.com Bosaaso.

You must be logged in to post a comment Login