|

(Dhegayso) Waraysi Afhayeenka Nabadoon gobolka Bari ” shacabka Puntland meel ha uga soo wada jeestaan cadow gooda

Nabadoonada gobolka Bari ayaa  ka hadlay  falalka lidiga ku ah amniga  gobolka oo maalmahan ka dhacayay magaalada Bosaaso,oo ah xarunta ganacsiga dowladda Puntland

Nabadoonada aya shacabka iyo dowladda Puntland  ugu baaqay in ay sika kaa shadaan xaqiijinta amniga deegaanada Puntland , meelna looga soo wada jeesto cadowga Puntland .

Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago oo  ah Afhayeenka Nabadoodada gobolka Bari oo Waraysi gaar ah siiyay Puntlandi.com ayaa sheegay in shacabka reer Puntland ee kunool gobolada iyo degmooyinkaba  Puntland in ay mas,uuliyad gaar ah  iska saaraan iskaashiga  amniga guud ee Puntland, marka laga yimaada Hay,adaha amniga ee xil saaran.

Dowladda Puntland ayuu Nabadon Xarago kula taliyay in dhalinyarada falalka amni daro gaysanaysa dowladdu ay  jihayso oo loo sameeyo xarumo lagu dhaqan celiyo .

Nabadoonka ayaa sheegay in Puntland 20 kii sano ee ay jirtay ay ku soo caano maashay Nabad ,ayna jiraan kooxo doonaya in Nabada ay haysato Puntland ay caraladeeyaan.

 

Halkan ka dhegayso .

      Waraysiga Nabadoon Xarago

????????????????????????????????????

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login