|

Milatariga Maraykanka oo qaaday howlgal lagu laayay tiro argigixisada Alshabaab kamid ah.

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay dileen sagaal kamid ah maleyshiyada Alshabaab kadib weerar duqayn cirka ah oo lagula beegsaday konfurta Soomaaliya.

Weerarkaan oo dhacay isniin xalay, ayaa ka dhacay meel 40km dhinaca waqooyi Bari uga beegan magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo kasoo baxay  taliska Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay inaanu jirin wax khasaare shacab ah oo kasoo gaaray weerarkaan.

Todobaadkii hore ayaa sidaan oo kale, duqayn cirka ah lagu dilay maleyshiyaad katirsan kooxda Alshabaab oo farriisimo ku lahaa meelo ku dhow Kismaayo.

Puntlandi.com 

Kismaayo

.

You must be logged in to post a comment Login