|

(Dhegayso) Dowladda Puntland oo ku amartay hay inay joojiyaan shaqaalaha ajnabiga ah.

Garowe (Puntlandi.com) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng. Camey ayaa ku amray¬† hay’addaha ka howgalla gudaha Puntland inay joojiyaan shaqaalaha ajnabiga ah ee ay ka keensayaan dalka dibadiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay kororka shaqaalaha ajnabiga inay xiriir weyn laleedahay shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Puntland.

Waxaa madaxweyne ku xigeenka sheegay in shaqo la’aantu sabab u tahay amni xumada iyo in kooxaha argiixisadu fursad uhelaan inay dhalinyarada kusoo xero galiyaan lacago aan badnayn oo loogu adeegsanayo inay dalkooda ka dhigaan meel amni darro ah.

“20$ ayaa naftaada ku weynaysaa, waxaana waxaa keenaya waa shaqo la’aanta dhalinyarada, sidoo kale midbaa isku kaa qarxinaya.” ayuu yidhi Camey.

Camey ayaa ugu dambayn sheegay haddii aan shaqo abuur loo sameynin dhalinyarada Soomaaliyeed, inaan xal loo helidoonin laguna guulaysandoonin dagaalka lagula jiro kooxaha Shabaab iyo Daacish.

Hadalkaan ayuu madaxweyne ku xigeenka Puntland ka sheegay shir looga hadlayay tirokoobka oo maanta Garowe ka dhacay.

Halkaan ka dhegayso codka madaxweyne ku xigeenka.

      Camey

Puntlandi.com

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login