|

Daacishta Gobolka Bari oo sheegatay in ay ka dambaysay Itoobiyaankii Bosaaso lagu dilay Xalay

Kooxda Argagixisada ah ee Daacish , kuna dhumaalaysanaya Buuralayda Golis ee gobolka Bari ,ayaa sheegatay mas,uuliyada dilkii loo gaystay xalay Afartan qof oo Itoobiyaanka ah oo Bosaaso lagu dilay .

War qoraal ah oo ay ku baahiyeen  kooxda Daacish  bartooda internetka ee Amaq News, ayay ku sheegeen in xubno ka tirsan kooxdooda oo Baastoolado ku hubaysan ay dileen 4 nin oo ah Itoobiyaanka magaalada Bosaaso Tahriibta uyimaada.

Saraakiisha Ciidamada amniga ee gobolka bari ayaa Puntlandi.com u sheegay in ay ku daba jooga kooxdii dilka gaystay , waxaana maanta ilaa xalay magalaada ka socday howlgalo lagu xaqiijinayo amniga.

Magaalada Bosaaso ayaa maalmihii udambeeyay waxa lagu dilay dad isgugu jira Askar , Ganacsato, iyo Dhalinyaro ka qalin jabisay jaamacada Bariga Afrika .

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa sheegay dhawaan in dadkii  gaystay  dilalkii qorshaysnaa ee hore uga  dhacay magalada  Bosaaso, qaar kood ciidamadu ay soo qabteen ,  dhawaana Maxkamada ciidamada qalabka sida la soo taagi doono .

 

You must be logged in to post a comment Login