|

Mareykanka oo duqayn cirka ah ku dilay xubno katirsan Argagixisada Al-shabaab

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Mareykanka ayaa duqayn cirk ah waxa ay ka fuliyeen xalay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe .

Duqayntan ayaa la sheegay in lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen Argagixisada Al-Shabaa.

Inta badan Mareykanka ayaa sheegta duqeymaha ka dhaca Koofurta Soomaaliya, kuwaasoo ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Maalin ka hor ayay aheyd markii duqeyn ka dhacday duleedka Kismaayo lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsan dagaal yahanada  Al-Shabaab.

You must be logged in to post a comment Login