|

Madaxweynaha Puntland oo Nayroobi u dhoofay kana hadlay dagaalka Tukarax

Madaxwaynaha dowladda Puntalnd Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u safray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo uu sheegay in mashaariic hor umarined inuu kala soo hadli doono Beesha Caalamka iyo hay’adaha deeq bixiya yaasha ah ee dalkaasi ku sugan.

Madaxwaynaha ayaa warbaahinta ay waydiisay khudbad uu laba bilood kahor ka jeediyay magaalada Brusless oo uu ku balanqaaday inuu soo celin doono gobolka Sool oo badankiisa Somaliland ay la wareegtay mudadii uu isagu xilka hayay, maadaama hadda oo maamulkiisa uu u haray boqol maalmood aanay jirin wax talaabo oo ay qaadeen.Madaxwaynaha ayaa sidoo kalle la waydiiyay inay suurtagal tahay dalka dibadiisa isagoo ku maqan inuu dagaal dhaco sidii horay loogu bartay iyo sababaha kusoo beega, waxaana uu kaga jawaabay sidaan.

” Waxaa weye dagaalka bilowgiisa iyo dhamaadkiisa wakhtigiisa ayey leedahay anoo baxay hadii dagaal dhacay anigu kantarolkiisa ma lihi sababtu dhacay cidii u dhacay ayaa la waydinayaa marka howshaasi waa howl milatari waa howl gaar ah meeshana munaasib maba aha in lagaga jawaabo suaalaha noocaas ah , waad mahadsantihiin” ayuu yiri madaxwayne Gaas.

Sidoo kalle mar wax laga waydiiyay Madaxweyne Gaas maadaama Puntland ay horay uu usoo saartay amar ah in aan loo safrin magaalada Muqdisho, isaguna hadda uu sii marayo ayaa waxa uu  ku jawaabay Madaxweynaha ” Muqdisho waa caasimaddii dalka cidana igama xigto.

You must be logged in to post a comment Login