|

Kooxo Hubaysan oo Bosaaso ku dilay qof shacab ah

Kooxo hubaysan ayaa magaalada Bosaaso maanta barqadii ku toogtay Siciid Maxamed oo lagu naaneesi jiray( Maqadeeye).

Siciid ayaa ka tirsanaa iskaashatada gaadiidlayda ee magaalada Bosaaso .

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Raf iyo Raaxo ,oo ku taala bariga magaalada Bosaaso,waxaana goobta isaga baxsatay kooxdii dilka fulisay.

Ciidamada amniga ayaa goobta soogaaray , waxana socda howlgalo lagu baadi goobayo kooxdii dilka fulisay .

Shalay ayay ahayd markii kooxda Argagixisada ah ee Daacish ay sheegatay mas,uuliyada dilkii magaalada Bosaaso loogu gaystay maalin ka hor Afar qof oo ka tirsanaa Qoomiyada Itoobiya.

You must be logged in to post a comment Login