|

(Dhegayso) Taliyaha Ciidanka Xasilinta caasimada Garoowe “ Askarigii ku xad gudba qof shacab ah talaabo ayaa laga qaadayaa

iyadoo dowladda Puntland ay isku diyarinayo sanadka 2019 ka doorashooyin Baarlamaan iyo mid Madaxweyne ,ayaa waxaa socda dhanka kale xaqiijinta amniga guud ee magaaloyinka waawayn ee Puntland oo ay caasimada Garoowe ugu horayso.

Taliyaha Xasilinta Caasimadda Garoowe  Muxiidiin  Gacamey ,ayaa ciidamada Amniga waxa uu ku amray in si wanaagsan ay ula dhaqaan shacabka .

Taliyaha ayaa  ku goodiyay in askarigii si qaldan ula dhaqma shacabka iyo dadka xasaanada leh  talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Waxa uu ugu dambeen Taliyuhu  shacabka uu ka codsaday  in ay la shaqeeyaan Ciidamada amniga , meelna looga soo wada jeesto dadka falalka amni daro ka gaysanaya gudaha magaalada Garoowe.

Halkan ka dhegayso.

      Taliyaha Xasilinta

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login