|

Taliyaha xasilinta gobolka Nugaal oo eedeeyay nabadoonada gobolka Nugaal

Garowe (Puntlandi) Taliyaha xasilinta gobolka Nugaal, sareeyo guuto Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa ku eedeeyay nabadoonada gobolka Nugaal inaysan diyaar u ahayn in tilaabo laga qaado burcadda caadaystay falalka amni darrada.

Taliye Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay nabadoonadu inayan fulin go’aan dhawaan la isku raacay oo ahaa inay saxiixaan qoraal cadeynaya inaan waxba la iska weydiin dambiilihii ku dhinta howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo.

“Waxaan idiin sheegayaa qaar badan oo kamid ah nabadoonada inayan saxixiin go’aamada masiiriga ah ee lagu xasilinayo nabad gelyada caasimadda, waana arrin aan aad uga xunnahay in nabadoonadu diyaar u ahayn in tilaabo laga qaado wiilashooda burcada ah,” ayuu yidhi Muxidiin.

Taliyaha xasilinta caasimadda ayaa sheegay inay qaadidoonaan tilaabo kasta oo ammaanka gacan bir ah loogu qabanayo uuna waajib ka saaran yahay in shacabka helaan amnigu ku filan.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login