|

(Sawirro ) Mahsruuca Taakulaynta Iyo U Qareemidda Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba(Especiall Needs) Oo Laga Daah-Furay Bosaaso

Xarunta dowladda hoose ee degmada Bosaso ayaa lagu qabtay kulan ballaaran, kaasi oo ay soo qaban-qaabisay Qoryooley Foundation.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid lagu daah-furayey mashruuca taakuleynta iyo u qareemidda dadka qaba baahiyaha gaarka ah (Especiall Needs) sida dadka qaba dhimirka, dhegoolayaasha iyo naafada.

Waxaa ka soo qeyb galay kulanka maamulka degmada Bosaso, golayaasha deegaanka degmada, gudoomiyeyaasha xeryaha barakacayaasha, aqoonyahano, arday, issimo, culim’udiin iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay duqa degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ku bogaadiyey in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee helaan cod u qareema, isla markaana wax u qabta.

Waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyey duqa degmada Bosaso mashruuca ay wado Qoryoolay Foundation iyo weliba dhakhaatiirta mobil tiimka ah oo tuulo iyo degma kasta tegi kara, isla markaana daaweyn kara dadka dhimirka iyo naafada xubnaha qaba

Sheekh Maxamuud Huruuse oo ah u qareemayaasha naafada xubnaha iyo dhimirka ayaa sidoo kale ka hadlay kulanka, waxa uuna sheegay in dadkaasi la ilaaway, isla markaana loo baahan yahay in loo kaco.

Hormuudka kulyadaha caafimaadka ee jaamacadda Bariga Afrika Proff Abshir Cali Cabdi ayaa isna ka hadlay kulanka,waxa uuna sheegay in tala iyo tabar diyaar u yihiin ka jaamacadda Bariga Afrika ahaan.

Gudoomiyahya ururka haweenka Puntland Maryan Gaduudo ayaa sheegtay dhankeeda in markii ugu horeysay ay tahay iyadoo laga hadlayo dadka baahiya gaarka ah qaba, waxa ayna ku boorisay in wax la qabto si la idinku daydo haddii aad tihiin Dr.Qoryooley Foundation

Sidoo kale waxaa soo geba-gabeeyey issimada oo uu ka mid yahay Suldaan Maxamuud Jaamac, Beeldaaje Maxamad beeldaaje Axmad(Tuuryo) iyo Suldaan Maxamad Geelxoor.

Dhammaan issimada waxa ay hoosta ka xariiqeen xili kasta iyo waqti kasta in ay ka shaqeyn doonaan u qareemidda iyo taakulaynta dadka qaba baahiya gaarka ah, waxa ayna bogaadiyeen mashruuca ay wado Dr.Qoryooley Foundation oo muddo dhawr iyo toban sano ah kaalmeenayey dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Halkan ka daawo Sawirrada .

 

 

baroos

 

 

You must be logged in to post a comment Login