|

Breaking News–Muran xoogan oo soo kal dhexgalay Dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka



Maalmahaan waxaa socday muran ka dhex aloosan Villa Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee daneeya Arimaha Soomaaliya, kasoo sabab u ahaa in Shir deg deg ah ay Beesha Caalamku isugu yeertay Hogaamiyaasha Maamul Goboleedyada kulankasoo ka dhacay Nairobi.

Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer kusoo celcelisay kulana talisay Hogaamiyayaasha Soomaaliya iney kulmaan kana wada hadlaan khilaafkooda.laakiin waxaa soo baxay in Villa Soomaaliya ay ka dhaga adeygtay soo jeedintaas.

Kulankii dhexmaray Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ayaa la isku fahmay dhamaan waxyaabihii looga hadlay oyadoo Beesha Caalamku ay casumasda u dirtay oo qura Maamul Goboleedyada, Villa Soomaaliya shirka lagalama tashn lagumana Casumin.

Sargaal qayb ka ahaa shirka oo Puntlandi la hadlay ayaa noo xaqiijiyey in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Villa Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Waxaa laga yabaa in Beesha Caalamku ay Xalabe ugu yeerto Raysal wasaaraha ama Madaxweynaha Soomaaliya.

Puntlandi.com
Naorobi

You must be logged in to post a comment Login