|

Dowladda Puntland oo ka hadashay go’aankii wasiirka qorshaynta Soomaaliya looga joojiyay inuu shirar ku qabto Puntland.

(Garowe (Puntlandi) Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ka hadlay xayiraadka xagga shirarka iyo la hadalka bulshada oo ay dowladu kusoo rogtay shakhsiyaad katirsan dowladda federalka Soomaaliya, oo Garowe ku sugan.

Wasiirka warfaafinta ayaa ku eedeeyay shakhsiyaadkaas inay iska indho tireen in dowladda Puntland ay hakisay xiriirkii wada shaqaynayd ee kala dhexeeyay dowladda federalka Soomaaliya islamarkaana aan Garowe lagu qaban karin shirar ay dowladda federalka wado.

Waxaa kale oo wasiirka warfaafintu ku eedeeyay shakhsiyaadkaan dowladda federalka ka socday in iyagoo aan cidno wargelin ay doonayeen inay shirar ku qabsadaan Garowe, kadibna markii ay dowladdu ogaatay ayay joojisay shirarkaas.

“Halkaan Garowe, waxaa noogu yimid, wasiirkii qorshaynta ee dowladda federalka, wuxuu u yimid inuu u tartamo buuxinta xubin xildhibaan. kama xubin inuu yimaado maadaama ay tahay deegaankii laga doortay, laakiin, waxaanu qalad u aragnaa inuu Garowe ku qabto shirar aanu la socon maamulka kanasoo horjeeda go’aanada shirkii Kismaayo.” ayuu yidhi wasiir Qarjab.

Puntlandi.com

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login